Odaygii wiil ka yaabsaday

Wuxuu yiri : Waxaan taagnaa Boosteejada basaska , markaasa nin ii dhowaa ayaan waydiiyay ” meeqa sac waaye?” Iima uusan jawabin, waan ku celiyay, sidii oo kale .Markaasaan ku iri ” adeerow, shaxaad kaama rabee , maxaad iiga aamustay?”.Wuxuu yiri odaygii: kuuma jawaabayo. Markaan weydiiyay sababta? Wuu isoo jeestay wuxuuna igu yiri ” haddii aan saacadda ku sheego waxaad I weydiinaysaa saacadda Baska uu Soo istaagayo kadib sheeko kale ayaan bilaabaynaa kadib waan is baranaynaa , Baska isku meel ayaan fadhiisanaynaa. Waxaan dhalay gebar qurux badan oo Boosteejada xigta igu sugayso, gabadhii ayaad arkaysaa waana ka helaysaa, adigana waad shidantahay iyaduna way ka heleysaa, jeceyl ayaa imanayo , anigana inaan idin kala ilaaliyo ayaan bilaabaya. Marka wiilkaygiyow wiil aan saacad haysan gabadhayda kuma Dari karo”…Wiilkii hadalkaa ku xiramay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top